Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo kaashaneysa taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa labo weerar oo dhanka cirka ah ku qaaday xubno ka tirsan kooxda shabaab oo ku sugnaa nawaaxiga Dab-shiniile iyo Jamaame.
Duqeynta oo dhacday 19-kii Janaayo ayaa waxaa lagu dilay saddex Xubno oo ka tirsanaa Al-shabaab,mana jiraan waxyeello weerarkaasi ka soo gaartay dadka rayidka ah.
Xubnaha weerarka lagu dilay ayaa ahaa saraakiil Al-shabaab u qaabilsanaa fududeynta miinooyinka macmalka ah iyo qorista maleeshiyaadka.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaada tallaabooyin looga hortagayo waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah