Weerar ka dhacay Dalka Ingiriiska

0

Dibadbaxayaal ayaa weerar ku qaaday booliiska ka dib marki kumannaan qof ay isu soo baxeen magaalada Bristol taasi “oo ay booliiska horey uga digeen ” in laga soo qeyb galo.

Qaar ka mid ah askarta ayaa waxaa soo gaartay waxyeelo oo waxaa qaarkood qybo ka mid ah lafaha , halka sidoo kale dad careysan ay gubeen gawaari ay booliiska leeyihiin bartamaha magaalada Bristol.

Dibadbaxayaasha ayaa isu soo baxay iyaga oo iska dhagatiray talooyiinkii ahaa in aysan magaalada mudaaharaad ka sameyn.

Waxay dibadbaxayasha ka soo horjeedaan hindisa sharciyeedka booliiska

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku soo xoomay saldhig booliis halkaasi oo dhagxaan ay ku tuurayeen islamarkana ay darbiyada qoraalo ku xardhayeen.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Britain Priti Patel ayaa dhacdadan ku tilmaamtay “mid aan la aqbali Karin “.

“Rabshado iyo kala dambeyn la’aan ay sameeyaan dad yar ma aha mid loo duqaadan doono,” ayay tiri.

“Booliiska ayaa waxay naftooda halis u galiyeen si ay noo difaacaan,” Ayay intaa ku dartay.

Labo ka mid ah gawaarida booliiska ayaa dab la qabadsiiyay, halka sidoo kale burbur loo geystay saldhig booliis oo magaalada Bristol.

Share.

About Author

Leave A Reply