Maamulada Puntland iyo Jubbaland,ayaa xalay waxa ay soo magacabeen Xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal,ayaa war arrintaasi lagu beeninayo soo saaray Wasaaradda arrimaha Gudaha ee XFS.
Qoraal Kasoo Baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha Ayaa Lagu Sheegay in Aysan Sax Aheyn Qoralka Kasoo Baxay Puntland iyo Jubaland
Xafiiska Wasiirka 1-aad ee XFS iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta midkoona sooma gaarin qoraal rasmi ah oo ku Saabsan Magacaabista Guddiyada Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee Maamulaya doorashooyinka heer Dowlad Goboleed.