Wararkii ugu dambeeyay qaraxii ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaari oo ka dhacay Isgoyska Sayidka oo kamid ah Isgoysyada Magaalada Muqdisho ee laga Ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Laamaha Amaanka ayaa Sheegay Qaraxa inuu ahaa gaari NOHA ah oo si xowli ah uu kusoo martay Isgoyska Dabka,isla markaana Ciidamada dowladana ay rasaaseeyeen, hayeeshee ugu dambeyn uu ku qarxay Barta Gaadiidka lagu hubiyo ee Isgoyska sayidka ee Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qaraxa oo u badan burburka gaadiid iyo Bajaaj halkaasi lagu baarayay.

Wali Booliska Kama hadlin Qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay.

Share.

About Author

Leave A Reply