Wararkii ugu dambeeyay qarax lala beegsaday Nabadoon Muxudiin Xassan Afrax

0

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro dhaliyay oo goordhaweyd ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday Gaari uu saarnaa Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax, waxaana la sheegay in qaraxa ku dhaawacmay Nabadoonka,isla markaana ay Afar Askari oo ilaaladiisa ah ay ku dhinteen.

Wali laamaha amniga Dowladda iyo Maamulka Degmada Shibis, kama aysan hadlin khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaasi.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaasi.

 

Share.

About Author

Leave A Reply