Wararkii ugu dambeeyay qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka KMG u ah Maamulka Jubbaland.

Qaraxa oo ahaa Miino lagu aasay Wadada dhinaceeda,ayaa waxaa lala eegtay Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga ee Jubbaland,Maxamed Khaliif.

Dad Goob jogayaal ayaa waxa ay shegeen in qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay Agaasimaha iyo Askari ilaalo u ahaa,isla markaana hadda Xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Jubbaland.

Wali Laamaha amniga ee Maamulka Jubbaland,kama aysan hadlin qaraxa khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Kooxda Al-shabaab,ayaa sheegatay Mas’uuliyada Qaraxan.

Share.

About Author

Leave A Reply