Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysa qarax Miino oo Goordhaweyd ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ayaa waxaa qaraxaasi ku geeriyooday hal Ruux halka labbo kalana ay ku dhaawacmay,kuwaas oo ahaa dad shacab ah,isla markaana marayay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Dad goob jogayaal ah ayaa waxa ay shegeen in qaraxa uu ka dhacay meel u dhaw Xarunta Degmada Kaaraan,sidoo kalana xiliga uu qaraxa dhacayay uu goobta marayay gaariga Wacyi-gelinta ee Xanuuna COVID-19.

Wali laamaha amniga ee Degmada Kaaraan,kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxaan.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxaan.

 

Share.

About Author

Leave A Reply