Ururka Jaamacadda Carabta oo ka War Kulul kasoo saaray Arrimaha Doorashooyinka Somalia

0

Dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta, ayaa ugu baaqay  dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya in ay wada-hadal ka yeeshaan khilaafka u dhexeeya, si loo qabto doorashooyinka dalka.

War Qoraal ah oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta, ayaa lagu bogaadiyay in dadaallada ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, oo ay wadaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, waxa loogu baaqay dhinacyada in ay wada-hadal dhab ah ka yeeshaan muranka weli ka taagan qabsoomidda doorashooyinka, si heshiis dhammaystiran looga gaaro hirgelinta Arrimaha doorashooyinka.

Ururka Jaamacadda Carabtu, wuxu sidoo kale soo dhoweeyay Shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo sida qorshaysan loo ballansanyahay 15-ka bishan February 2021.

Share.

About Author

Leave A Reply