Trump oo ku goodiyay inuu soo laaban doono

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in uu si uun u soo laaban doono ka dib markii uu ka tagay Aqalka Cad oo muddo afar sano ah uu joogay isaga oo madaxweyne ah .

Wuxuu u sheegay taageerayaashiisa markii uu isku diyaarinayay inuu u duulo Florida inay u ahayd “sharaf weyn inuu madaxweyne u noqdo.

Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee diida inuu xilka wareejiyo tan iyo 1869-kii laakiin wuxuu yiri: “Waxaan u rajeynayaa maamulka cusub nasiib wacan iyo guul weyn”.

Mr Trump ayaa khudbadiisii ugu dambeysay ka jeediyay xaruunta ciidamada cirka ee llagu magacaabo Joint Base Andrews oo ku taalla gobalka Maryland, kadib markii isaga iyo xaaskiisa Melania Trump ay ka duuleen aqalka cad ayna gaareen halkaa.

Khudbada uu jeediyay wuxuu ku muujiyay guulaha “cajaa’ibka leh”,ee siduu isagu qabo uu gaaray maamulkiisii isaga oo tusaale u soo qaatay shaqo abuurka, canshuuraha, iyo waliba horumarka degdega ah ee tallaalka Covid -19.

Share.

About Author

Leave A Reply