Soomaaliya: Imaaraatka Carabta ma aqoonsano dowladnimadeena

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dalka Imaaraatka Carabta in uu wado isku dayo uu dalka ka abuurayo qalalaase.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ayaa sheegay in warqad kasoo baxday Imaaraatka ay ka muuqato in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya.

“Warqadda Imaaraatka waxaa ka muuqdaa in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda inkiriyaan…warqadda waxaa ka muuqdaa in Imaaraatka uu ka rabo Soomaaliya sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka abuurto fowdo iyo barakac” ayuu yiri wasiirka oo shir jaraa’id saaka ku qabtay Muqdisho.

Shaley ayay aheyd markii dowladda Imaaraatka ay walaac ka muujisay qalaalisihii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah waxay ugu baaqeysaa dowladda kumeel gaarka ah ee iyo dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan si loo gaaro higsiga Soomaaliya ah in la helo nabadda iyo xasilooni buuxda” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday Imaaraatka.

Share.

About Author

Leave A Reply