Shirkaddo Diyaaradeed oo horay u hakiyay Duulimaadyadii ay ku imaan jiray Muqdisho oo dib u bilaabay

0
Waxaa Maanta si rasmu ah duulimaadyadooda dib u billaabay shirkadaha diyaaradaha Turkish Airline, Ethiopian Airways iyo Uganda Airline kuwaasoo hakiyay in mudda ah duulimaadkooda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Muqdisho.
Wasiirka Gaadiidka Cabdullaahu Salaad Oomaar oo hadda ku sugan Garoonka ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo dib u howlgalka shirkadaha diyaaradaha ee laga leeyahay Dalalka Turkiga, oo Aasiya iyo Yurub ah iyo Wadamada Sida Uganda iyo Ethiopia.
sidoo kale waxaa si caadi ah u socda Duulimaadyada ay Muqdisho ku imaanayaan diyaaradaha Djibouti Air, Hala Airlines, Daalo iyo diyaaradaha hay’adaha caalamiga ah sida WFP, UN.
Share.

About Author

Leave A Reply