Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo Goordhaw furmay

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo arbaco ah ka furmay Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo tiro laba jeer ah furitankiisa uu dib u dhacay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galaya  Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Jubbaland  & guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020 iyo sidoo kale sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada jira ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & dowlad goboleedyada Puntland & Jubbaland.

Xalay fiidkii  ayuu qorsuhu ahaa in uu shirkaasi furmo, hayeeshee uu dib u dhacay kaddib markii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay safar ku soo galay Dhuusamareeb ay cudur daarteen, sababo la xiriira inay daalan yihiin.

Share.

About Author

Leave A Reply