Sacuudiga oo ka hadlay Rabashadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Dowladda Sacuudiga ayaa War kasoo saartay rabshadihii maalmo kahor ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidamo Milater oo daacad u ah Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Sacuudiga ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha ka dhacay Muqdisho ee sababay khasaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markana sheegay inay ka xun yihiin falalkaas ka dhacay Caasimadda dalka.

Qoraal kasoo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa waxaa lagu lagu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in la dejiyo xaaladda soo korortay, iyagoona Madaxda Soomaalida ugu baaqay inay hehiis ka gaaran khilaafyada jira.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in la ilaaiyo nabadgalyada iyo xasiloonida, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara gacal ka hadal, isla markaana la ilaaliyo rajada shacabka Sooamaliyeed.

“Waxaan adkeynaynaa ahmiyada in la dajiyo arimahana aan la kicin, waxaan rajaynaynaa in walaaluha Soomaaliya ku gaaran xalka wada wanaagsan iyada oo la wada hadlayo, taaso ilaalinaysa amniga Soomaaliya  iyo deganashihisa shacabka walalaha  ka fogeynay wax walba oo dhib ah” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dowladdaha Imaaraadka carabta, Qatar iyo dalal kale ayaa ka hadlay iska horimaadyadii dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo taagersan Musharaxiinta Madaxweynaha, kadib markii dowladda is hor istaag ku sameeysay banaanbax ay soo abaabuleen Musharaxiinta Madaxweynaha.

Share.

About Author

Leave A Reply