Mooshinka Trump Goormay u billaabaneysaa dacwadda ?

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa markale laga gudbiyay mooshin – haddaba maxaa la filayaa?

Wuxuu Trump noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ee laba goor wajaha mooshin xil ka qaadis ah, in kastoo dhowr maalmood ay uga harsan tahay shaqada xafiiska.

Mooshinka wuxuu micnihiisu yahay in Aqalka Hoose ee Congrees-ka uu gudbiyo kiis ku saabsan in xafiiska uu si khaldan u maamulay Trump.

Dimuquraadiyiinta oo maamulaya Aqalka waxay Trump ku eedeeyeen in uu kiciyay rabshado ka dib hadallo been abuur ah oo uu jeediyay oo ku saabsanaa doorashada, iyo in uu sabab u ahaa dadkii weeraray Aqalka Congress-ka ee Capitol Hill, 6-dii bishan January.

Qaar ka mid ah xildhibaannada xisbiga Jamhuuriyada ayaa taageeray mooshinkii laga gudbiyay Trump, Arbacadii.

Share.

About Author

Leave A Reply