Milateriga Myanmar oo awoodda la wareegay

0

Milateriga Myanmar ayaa la wareegay awoodda dalkaas, kadib markii ay xabsiga u taxaabeen Aung San Suu Kyi oo uu xisbigeeda talada hayo iyo siyaasiyiin kale.

Telefishinka milateriga ayaa sheegay in xaalad degdeg ah Myanmar lagu soo rogay muddo sanad ah.

Afgembiga ayaa kus oo beegmaya kadib markii ay xukuumadda rayidka ah iyo taliska milateriga isku khilaafeen natiijada doorashadii sanadkii hore ka dhacday Myanmar.

Xisbiga NLD ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi, ayaa doorashadii November ka helay kuraasta baarlamaanka in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumad cusub, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.

Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo Isniinta maanta ah.

Afhayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka.

“Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin degdeg ah sameyn, waxaana doonayaa in ay sharciga raacaan,” ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono.

Share.

About Author

Leave A Reply