Maxey Maanta ka hadlayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ?

0

Xildhibaanada Wakiilada Baarlamaanka e Dowlad Goboleedka  Puntland, ayaa fasax kooban kadib maanta oo Sabtiya dib u bilaabay Kalfadhigooda 47-aad oo soo bilowday 25-kii October 2020.

Kalfadhiga 47-aad Fadhigiisa 24-aad, oo maanta qabsoomay waxa xildhibaannada loogu qaybiyay Hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Puntland, oo uu Golaha u gudbiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Hindise-sharciyeedkan, oo muhiim u ah Hannaanka diiwaan-gelinta codbixiyaasha Puntland, waxa soo diyaariyay Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ee loo soo gaabiyo TPEC.

Share.

About Author

Leave A Reply