Mareykanka oo sheegay in uu si rasmi ah ugala baxaya Ciidamadiisa Soomaaliya

0

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika, oo loo yaqaan AFRICOM, ayaa si rasmiya u shaaciyay in la dhammaystiray bixitaanka Ciidanka Maraykanka ee gudaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM, ayaa lagu sheegay in Hawlgalka bixitaanka Ciidanka Maraykanka ee Soomaaliya la dhammaystiray, laba maalmood ka hor wakhtigii loo qabtay in la saaro.

Qoraalka waxa lagu xusay, in tiro aad u yar oo kamid ah Ciidanka Maraykanka ay ku hareen gudaha Soomaaliya, kuwaas oo caawin doona Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Tirada Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya, waxa ka hor inta aysan bixin lagu qiyaasay 650-800 oo askari, kuwaas oo caawin jiray Ciidamada dowladda sidoo kalena fulin jiray hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Share.

About Author

Leave A Reply