Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Tababar u furay laamaha amniga Jubbaland

0
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamud Siyid Adan ayaa maanta daah furay tababar ku saabsan laamaha amniga iyo dadweynaha wada shaqeyn uga dhexen lahayd.
Tababrkaan ayaa waxaa uu Socon doonaa muddo dhan 3 maalmood waxaana soo qaban qaabisay xafiiska amniga madaxtooyada dowlad goboleedka jubbaland
Inta uu socdo seminaarkaan ayaa waxaa lagu lafa guri doonaa baahida arintaa loo qaba in la ogaado iyo in la xoojiyo sharciyada ka jira wada shaqeynta laamaha amniga iyo dadweynaha.
madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka jubbaland oo daah furey tababarkan ayaa sheegay in sharaf weyn ey u tahay in ey qabtaan shirkaan ey isku wareesan doonaan laamaha amniga.
Share.

About Author

Leave A Reply