Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo Maanta Kulmaya

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Sabtiya la kulmo Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Villa Somalia.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka, oo ku soo beegmay wakhti xasaasi ah, waxa looga hadlaya xal u helidda Khilaafka ka taagan Arrimaha Siyaasadda dalka, gaar ahaanna Doorashada.

Wakiilada Beesha Caalamku, waxay Madaxda Soomaalida cadaadis ku saarayaan in la isu’gu yimaado Shir ku saabsan xal u helidda khilaafka Arrimaha Doorashada, si loo qabto doorasho heshiis lagu wada-yahay.

Kulankan wuxu ku soo beegmay, xilli Beesha Caalamku ay shalay ku baaqday in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay si deg deg ah uga shiraan khilaafka Arrimaha Doorashada.

Share.

About Author

Leave A Reply