Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in uu galabta la kulmo dhiggiisa Koongo

0

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyada Dimoqaradiga ee Koongo ayaa la filayaa in galinka dambe ee maanta uu kulan la yeesho madaxweynaha wadankaasi Felix Tshisekedi oo sidoo kalena ah gudoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa joogi doona Koongada Dimoqraadiga labo maalmood iyadoo arimaha laga wadahadli doono ay kamid tahay xiriirka labada wadan.

Madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisii uu ku ekaa bishii Febraayo ee sanadkan ayaa golaha shacabka ee barlamaanka federaalku wuxuu todobadakii hore sheegay inay u kordhiyeen isaga iyo hay’adaha kale ee dawladda muddo labo sanno ah xilkooda, balse mucaaradka, qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, iyo wakiilada beesha caalamka ayaa diiday muddo kordhintaasi.

Safarka madaxweynaha ayaa ku soo beegmay xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan ay cirka isku sii shareeraysat wixii ka dambeeyey.

Go’aanka baarlamaanka uu hay’adaha dowladda Federaalka uu muddo kordhinta labada sano ah u sameyey ayaa ku soo beegmaya xilli ay natiija la’aan ku soo dhammaadeen kulammo dhex marayey madaxda dowladda federaalka, kuwo dowlad goboleedyada oo xal looga raadinayey khilaafka hareeyey doorashada dalka Soomaaliya.

Share.

About Author

Leave A Reply