Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al-Sisi oo u Hanjabay Itoobiya

0

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi, ayaa ka digay ‘cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta’ waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile, uu saameyn ku yeesho biyaha Masar.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dhibic ka mid ah biyaha Masar, haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doono xasilooni darro aanan la maleysan karin” ayuu yiri madaxweyne Al-Sisi.

Itoobiya waxay sheegtay in ay sii wadeyso buuxinta biyo xireenka, marka ay roobabka bilowdaan halka Masar iyo Suudaan ay doonayaan in wadahadal lagu soo afjaro muranka.

Dr Axmed Tiir wuxuu sheegay in “hadalka ka soo baxay madaxweynaha Masar, loo fasiran karo in uu dhammaaday sabarkeedii oo muddo dheer ay Itoobiya ka war-wareejineysay”.

Share.

About Author

Leave A Reply