Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

0
Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdi uu hogaaminayo kana kooban labada gole ee Dowlada Jubbaland ayaa maanta soo gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlada Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno katirsan Golaha Baarlamaanka DFS ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey Garoonka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qeybgalaya shirka wadatashiga qaran ee ka furmaya magaalada Dhuusamareeb kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Share.

About Author

Leave A Reply