Madaxwayne Farmaajo oo mar kale ku baaqay shir doorashada looga hadlayo

0

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay markii afaraad ku baaqay shir lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashada ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Sida ku cad bayaan ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha shirkan ayaa qabsoomi doona 22-ka Maarso 2021-ka, waxaa uuna socon doonaa muddo labo maalmood ah.

Shirkan madaxweynaha uu ku baaqay ayaa la sheegay in looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii guddiga farsamada doorashada ee ka soo baxay shirkii Baydhaba ee dhacay 15-16 Fabraayo 2021.

Shirka Baydhaba ayaa ahaa mid ay dowladdu sheegtay in xal looga gaaray tabashoyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee dhusamareeb 17-kii September 2020-ka

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir in ay ahmiyad gaar ah siiyaan qabsoomida shirkani.

Hadalka madaxwaynaha ayaa ku soo beegmaya xilli qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.

 

Share.

About Author

Leave A Reply