Maamulka Galmudug oo ka hadlay Dad lagu laa,yay Duleedka Degmada Ballanbale

0

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Ahna Ku simaha madaxweynaha Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug.

Shirka amniga waxaa goob joog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hugaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, GorGor, ciidanka Haramcad iyo Amisom

Shirka waxaa looga hadlay guud ahaan amniga Galmudug gaar ahaan amniga caasimada, sidoo kale Saraakiisha waxaa la faray awaamir ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadii dadka Shacabka ah lagu dilay ee ka dhacday Deeganka Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Ballanbale.

Sikastaba ha ahaate Maalintii shalay ayey aheyd markii Rag hubeysan ay deegaanka ku yaalla Duleedka Degmada Ballanbale ay ku dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Share.

About Author

Leave A Reply