Lafta-gareen iyo James Swan oo kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kulan kula qaatay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo Wafdigiisa ay Qeyb ka ahaayeen Madax ka Socday Hay,addaha IOM iyo OCHA.

Kulanka ay qateen Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Wakiilka Qaramada Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha la xiriira doorashooyinka uu muranka ka taagan yahay iyo sida looga gudbi karo caqabadaha jira.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa la sheegay in uu maalmahaan waday dhex dhexaadin ku saabsan muranka doorashooyinka, isla markaana sigaar ah uu kala hadlay Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha  Soomaaliya Amb, James Swan ayaa wararka aan helnay waxaa ay sheegayaan in sidoo kale uu booqan doono dowlad goboleedyada kale ee dalka, isaga oo kala hadli doono xalka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka.

Share.

About Author

Leave A Reply