Kuuriyada Waqooyi: Biden wuxuu doonayaa inuu sii wado “siyaasad cadaawad ku dhisan”

0

Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaarayn u jeedisay maamulka Biden, xilli uu iisu diyaarinayo inuu soo bandhigo istiraatiijiyadda siyaasadeed uu kula dhaqmayo Pyongyang iyo Barnaamijkeeda nukliyeerka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in hadallada ugu dambeeyay ee ka soo baxay Washington ay muujinayaan madaxweyne Joe Biden uu doonayo inuu sii wado “siyaasad cadaawadda ku dhisan”.

Horraantii toddobaadkan, Mr Biden wuxuu barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Woqooyi ku tilmaamay “khatar weyn” oo ku wajahan amniga adduunka.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu hab “qaabeysan” u maro Kuuriyada Waqooyi.

Afhayeen Jen Psaki ayaa jimcihii sheegtay in dib u eegis lagu sameeyay siyaasada Mareykanka la soo gabagabeeyay waxayna soo jeedisay in Madaxweyne Biden uu wax ka bartay waaya aragnimadii afartii maamul ee hore oo isku dayay, kuna guuldareystay in Waqooyiga Kuuriya ay ka tanaasusho barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Share.

About Author

Leave A Reply