KGS oo u jirta Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee aqalka Sare

0
Illaa 12 xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, guddigan ayaa la dejiyay Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa la filayaa inuu noqdo maamulkii u horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, iyadoo la isku khilaafsan yahay hirgelinta heshiiskii doorashada 17 September.
Warar ayaa sheegaya Inuu jiro heshiis Madaxweynaha Koofur Galbeed lagula galay oo ah inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare, waxaana heshiiskaas ka mid ahaa xilal loo magacaabay labo xubnood oo uu Madaxweyne Lafta Gareen soo gudbiyay kuwaasoo loo kala magacaabay xilalka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
Share.

About Author

Leave A Reply