James Swan oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weeraradii shalay lagu qaaday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin magaalooyinka Bariire iyo Awdhegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Md. Swan. “Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Share.

About Author

Leave A Reply