ICJ oo soo saartya Dhageysiga Jadwalka Dacwada ee u dhaxeeysa Somalia iyo Kenya

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa soo saartay jadwalka rasmiga ah dhegaysiga dacwadda ku saabsan kiiska badda Soomaaliya iyo kenya.

Maxkamadda ayaa sheegtay in dhegaysiga dacwadda uu bilaaban doono 15 bishan March 2021, oo ku beegan maalin Isniin ah, islamarkaana uu socon doono ilaa 24 March oo ku beegan maalin Arbaco ah.

Wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda, wuxu ka bilaaban Isniinta 15 bishaan March, wuxuuna socon doonaa mudda afar maalmood ah oo ku eg maalinta Jimcaha ee 19 March, sida ku cad Qoraal ka soo baxay ICJ.

Wareega labaad ee dhegaysiga dacwaddaas ayaa isna bilaaban doona maalin isniin ah oo ku aaddan 22 March 2021,wuxuuna soo geba-gaboobin 24 March oo Arbaco ah.

Maalin kasta oo kamid ah labadaas wareeg waxa dacwadda la dhegaysan doonaa 3 p.m.-6p.m. Galabnimo, sida ku xusan warka ay soo saartay Maxkamadda.

Share.

About Author

Leave A Reply