Hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka oo Xaaladiisa Caafimaad laga deeyrinayo

0

Dhaqaatiirta hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Alexei Navalny ayaa sheegay in “maalmaha soo socda uu dhiman doono” haddii aan daryeel caafimaad loo fidin.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in baaritaankii dhiigga ee dhowaan laga qaaday uu muujinayo in laga yaabo in dhibaatooyinka wadnaha ah ay la soo dersaan amaba ay kilyuhu fadhiistaan.

Navalny ayaa cuntada ka sooman muddo 18 maalmood ah, isagoo ka dabanaya in laga daweeyo xanuun daran oo dhabarka ah iyo suuxdinta lugaha.

Ninkan oo aad u dhaliila Vladimir Putin, ayaa la xiray bishii February isgaoo loo heysto eedyemo hore oo musuqmaasuq.

Afar dhaqaatiir, oo uu ku jiro dhaqtarkiisa gaarka ah, Anastasia Vasilyeva, ayaa warqad u qoray saraakiisha xabsiga iyaga oo weydiianaya inay si degdeg ah ula kulmaan.

Warqadda, oo uu Dr Vasilyeva soo digay barta Twitter-ka, ayay khubarradu ku sheegeen in xaaladda Alexei Navalny ay aad halis u tahay.

Share.

About Author

Leave A Reply