Hilibka iyo caanaha oo laga mamnuucay Mandheera

0

Qaar kamid ah shacabka ku nool waqooyiga Mandheera ayaa cabasho ka muujiyay go’aan uu maamulka deegaankaas ku joojiyay iibinta caanaha iyo hilibka xoolaha kadib markii uu halkaa ka dilaacay xanuunka Rift Valley Fever ee ku dhaca xoolaha.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen kadib markii nin reer miyi ah oo sida la rumaysan yahay cunay hilib neef qaba xanuunkaas uu geeriyooday.

Sidoo kale Maamulka Mandheera,ayaa xusay in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay mar walba ugu shaqeyn lahyeen bulshada ku nool Mandheera,u heli lahayeen Daryeel Caafimaad,ugana hortagi lahayeen sidii marwalba ugu go,an tahay bad-qabka Caafimaadka.

Share.

About Author

Leave A Reply