Haween garsooreyaal ahaa oo lagu dilay Kabul

Labo haween oo garsooreyaal ah kana tirsanaa Maxkamadda ugu Sarreysa Afghanistan ayaa la dilay.

Waxaa shalay oo Axad ahayd dilay rag aan la garaneyn xilli ay shaqadooda ku sii socdeen. Dilkooda waa kii ugu dambeeyay dhowr dilal lagu beegsanayay weriyeyaasha, kuwa u dooda xuquuqda dadka iyo siyaasiyiin.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ciidamada Mareykanka ka saarayo dalkaas – iyadoo keliya 2,500 ay hareen.

Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan ayaa BBC-da u sheegay in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee dalakas ay horseedeyso rabshado dheeraad ah.

Kooxda Taliban ayaa lagu eedeeyay dilalkii dhowaan ka dhacay Afghanistan, balse kooxda ma aysan sheegan.

Dilalkan lagu bartilmaameedsanayo dad gaar ah ayaa ku soo aadaya xilli wada hadallo nabadeed oo u dhaxeeya wakiillada Taliban iyo dowladda Afghanistan lagu qabanayo magaalada Dooxa ee dalka Qadar.