Guddoomiyihii Degmada Hodan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa xalay Saqdi dhexe lagu dilay magaalada Muqdisho Guddoomiyihii degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Ciise Dhagajuun.

Dilka Guddoomiyaha ayaa la sheegay in ay ka dambeyeen Askar katirsan Dowladda Soomaaliya,waxa uuna dilka si gaar ah uga dhacay Wadada Jid Mareyxaanka,halkaasi oo la sheegay in Guddoomiyaha xiliga uu marayay Gaarigiisa ay Askaertu Rasaasta hubiyeen.

Cabdixakiin Dhagajuun ayaa bishii Noofember ee sanadkii hore ku dhaawacmay qarax miino, wuxuuna maanta ka soo laabtay safar caafimaad oo ugu maqnaa dalka Turkiga.

Cabdixakiin Dhagajuun ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo ka soo laabtay qurbaha, wuxuuna dhalashada labaad ka haystay Sweden.

Share.

About Author

Leave A Reply