Gabdhaha ciidanka Harmacad oo looga digay isticmaalka TikTok

0

Dhawaan waxaa dalka Turkiga loo qaaday tiro gabdho ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad ee Soomaaliya, gabdhahan oo tiradoodu gaareyso 48 waxay tababar kala duwan kusoo qaadaan doonaan dalka Turkiga.

Waa markii ugu horeeysay ay Soomaaliya yeelato koox wada gabdha ah oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Janaraal Zakiya Xuseen xilli ay sagootineysay gabhaha.

Taliyaha ayaa dardaarn dheer siisay gabdhaha, waxay ugu baaqday inay ilaaliyaan mas’uuliyad ah inay yihiin ciidan qaran isla markaana ay isku duubnaadaan.

“Marka koowaad waxaad matashiin qarankiina, mas’uuliyadda idiin waa mas’uuliyad safiir oo kale, maanta haddaad noqotiin ciidan la kari karin amar qaadaneynin oo ciyaal suuqnimo ku dhaqma waxaa la leeyahay gabdhaha soomaaliyeed baa sidaas ah..waxaad ogaatiin in aad matashiin qarankiina iyo ciidanka booliska soomaaliyeed”

Janaraal Zakiya Xuseyn waxay uga digtay gabdhaha tababarka loogu qaadayay Turkiga isticmaalka barta TikTik ama baraha bulshada taa baddalkeedana ay diiradda saaraan ka miro dhalinta tababarka.

“Qoftii maanta u niyeysato inay TikTik kasoo muuqato ama baraha bulshada ay ku booteyso ajarkeeda waa halkaa, weyna naga hari doontaa haddan idiin sheegayaa, wixii hadda doonaya xayeysiin TikTik ah haddaba diyaaradda ha iiga harto”

Share.

About Author

Leave A Reply