Faahfaahin kasoo baxeysa weerar ciidamada Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanka Tooratoorow

0

Warrar warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya xili ay halkaas hawgal ka wadeen ciidamada kumandooska miltariga Soomaaliya oo saaka kala wareegay xoogaga Al-Shabaab.

Militeriga Soomaaliya wuxuu sheegay in ciidamada Danab ay qarxiyeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo ay Shabaabka wateen.

Dhanka kale, Shabaab ayaa sheegatay in weerarka ay la beegsadeen kolonyo militeri iyo ciidamo ajnebi ah isla markaana ay qarxiyeen labo gaari oo ay ciidamada wateen.

Share.

About Author

Leave A Reply