Faah faahino kasoo baxeysa Guddoomiye Degmo oo qarax lagula Eegtay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Labba Qarax oo ka dhacay Inta u dhaxeysa Fagax Iyo Towfiiq ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay agagaarka wadada aaada Saldhigga degmada Yaaqshid, waxaana la sheegay iney fashiliyeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Qaraxa Labaad ayaa ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Jiira Garoob, waxaana lala eegtay Gaariga Muuse Geeseey Gudoomiyaha Degmada Yaaqshid ee Gobalka Banaadir.

Inta La Xaqiijiyay Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar mid ah ilaalada Muuse Geeseey Gudoomiyaha degmada Yaaqshid.

Wali wax hadal ah kama soo bixin Maamulka Degmada Yaaqshid kaasi oo looga hadlayo qaraxa lala eegtay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshid iyo khasaaraha ka dhashay.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxa.

Share.

About Author

Leave A Reply