Faah faahin khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo saakay ka dhacay wadada Cabdiqaasim gaar ahaan agagaarka Xaruntii hore ee Safaaradda Turkiga ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka.

Dad Goob jogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso,kaasi oo lala eegtay Gaari HILUX, oo ay saaraneen Saraakiil iyo ciidamo katirsan Dowladda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidamada dowladda, waxaana goobta si deg deg ah u gaaray Ciidanka Booliska oo xiray aaga oo dhan, dadkuna u diidaya inay marayaan.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba Askari, halka Askar kalena oo saarnaa gaariga ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo Milateri ah.

Share.

About Author

Leave A Reply