Faah faahin: Askari katirsan Ciidanka Dowladda oo Wade Mooto Bajaaj ku dilay Muqdisho

0

Faah Faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya Askari katirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Goordhaw Darawal Mooto Bajaaj ku dilay Xaafada Black Sea Degmada Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge ayaa sheegay Meydka Darawalka inuu halkaasi yaalo Sidoo kale goobta uu ka baxsaday Askarigii ka dambeeyay Dilkaasi.

Sidoo kale Shacab badan ayaa goobta buux dhaafiyay kuwaa oo hakad galiyay isku socodka gaadiidka maadama halkaasi ay kusoo xoomeen Shacab iyo Darawalo Mooto Bajaj kale.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo Askari katirsan Ciidanka Dowladda uu darawal Mooto Bajaaj ku dilo Magaalada Muqdisho,mana jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay dilalkan loo geysto wadayashaa Mooto Bajaajta.

Share.

About Author

Leave A Reply