DSF oo sheegtay in Beledxaawo lagu soo qaaday duullaan la doonayay in lagu qabsado

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in guulo ay ka gaartay dagaalka ka socda Beledxaawo isla markaana ay ka adkaatay ‘ciidamadii weerarka kusoo qaaday magaalada’.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen ‘duullaan la doonayay in lagu qabsado magaalada Beledxaawo’.

“Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya iyo jabhaddii fallaagada aheyd ee baryahanba ay hoosta ku heysatay ay taakuleyneysay..oo wada socda ayaa xudduudda kasoo tallaabay, bartilmaameedku wuxuu ahaa magaalada istaraatiijiga ah ee muhiimka ah ee Beledxaawo, duullaankii ay soo qaadeen waxay ugu talagaleen inay ku qabsadaan magaalada Beledxaawo iyo gobolka Gedo” ayuu yiri wasiirka warfaafinta oo shir ja’raaid ku qabtay Muqdisho.

Dhanka kale, Jubaland ayaa sheegtay in “ciidamadooda weerarka lagu soo qaaday ka dibna ay iska caabiyeen”.

Ilaa hadda ma jiro war kasoo baxay dhinaca Kenya oo ku saabsan eedeymaha loo jeediyay.

Share.

About Author

Leave A Reply