Diyaaradda Boeing 737 Max oo mar kale badqabkeeda laga deyriyay

0

Maareeye sare oo ka tirsananaan jiray shirkadda Boeing 737 faraceeda Seattle ayaa walaac cusub ka muujiyay badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 Max.

Diyaaraddan oo isticmaalkeeda la joojiyay kaddib laba shil oo ay ku dhinteen 346 qof, ayaa dhawaan loo fasaxay inay Waqooyiga Ameerika iyo Brazil dib uga billowdo duulimaadyadeedi, waxaana la filayaa in toddobaadkan ay reer Yurub ka hesho fasax ay qaaradda uga hawlgasho.

Haseyeeshee warbixinta cusub ee Ed Pierson waxa uu sheegay aad loogu baahan yahay in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo dhanka korontada.

Hay’adaha badqabka duulimaadyada ee Mareykanka iyo Yurub ayaa waxay ku adkeysanayaan in dib u eegistooda ay ahayd mid dhammaystiran iyo in dayaaradda 737 Max ay hadda badqab tahay.

Share.

About Author

Leave A Reply