Dhacdo Argagax leh oo ka dhacday Magaaladda Kansas City ee Dalka Maraykanka

0

Wiil Soomaali ah ayaa habeenimadii jimcaha ku dilay Gurigooda hortiisa laba wiil oo walaaladiisa ah ka dib markii uu jidka u galay iyagoo kasoo laabtay salaadda taraawiixda sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Sheekh Mustafe Abdirahman oo ah Imaamka masaajidka Taqwa.

Sh Mustafe ayaa wuxuu kale oo Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in Boolisku toogtay Hanad Abdiaziz oo ah dhib geystaha xili ay Rasaas is dhaafsadeen Booliska.

Da’adda labadda Wiil ayaa lagu kala sheegay in ay ahaayeen 14 jir iyo 16 jir, Dhalinyaraddan ayaa ahaa kuwo aad looga Jeclaa magaaladda ay ku Noolaayeen iyagoo ka mid ahaa hormuudka arrimaha Muslimiinta ee Masjidka Al-Taqwa.

Hore sidan oo kale ayaa dilal loogu geystay aabbaha iyo hooyada dhalay wiilashan mudo 10 sano ka hor ah xiliyo kala duwan arintan oo ah mid aad looga murugooday guud ahaan Dadka Soomaaliyeed ayaan weli laga soo saarin warbixin rasmi ah waxaana laga war sugaya heya’addaha Amniga ee ku shaqadda leh.

Share.

About Author

Leave A Reply