DFS oo lagu Eedeeyay in ay Ciidan qoris kawado Deegaanno katirsan Somaliland

0

Ilo Xog-gaal ah ayaa xaqiijinaya, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodiya ciidan qoris uga bilowday magaalooyin ka tirsan Somaliland.

Dowladda Federaalka ayaa sida la xaqiijiyay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood ka samaysay xarumo qarsoodiya oo laga diiwaan-geliyo  dhalinyarada reer Somaliland ee ku biiraya ciidamada Soomaaliya.

Magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Somaliland, ayaa la sheegay in dhalinyarada laga keeno, kadibna si qarsoodiya looga diiwan-geliyo magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, sida ay caddaysay xogtani.

Dhalinyarada ayaa loo sheegaa in tababar dibadda ah loo qaadi doono, kadibna ay ku biirayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale ,waxa xusid mudan in magaalada Gaalkacyo laga qortay dhalinyaro ka soo jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo loo sheegay in tababar ciidan loo qaadi doono.

Share.

About Author

Leave A Reply