Cumar Filish oo ka hadlay Dilkii Guddoomiyaha Degmada Hodan

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ka ka hadlay dilkii xalay saqdii dhexe loo geystay guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiin Dhagajuun.

War-saxaafadeed ka soo baxay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Cabdixakiim Dhagajuun lagu dilay is-rasaasayn xalay saqdii dhexe dhexmartay ciidan ku sugnaa inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde.

Sidoo kale waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in dhacdadaas ay ku dhaawacmeen labo askari oo mid ka mida ahaa ilaalada Cabdixakiin Dhagajuun.

Cumar Filish ayaa faray hay’adaha amaanka gobolka Banaadir in ay baaris rasmi ah ku sameeyaan dhacdadaasi, si loo helo ayuu yiri caddaalad, la iskulana xisaabtamo mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Cabdixakiim Dhagajuun.

Ugu dambeyna Duqa Muqdisho ayaa Guddiga u magacaabay aaska guddoomiyihii degmada Hodan.

Waxaana Guddiga loo magacaabay ay kala yihii.

– Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)

2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)

3- Muuse Cali Eybakar

4- Saalax Xasan Cumar

5- Yaasiin Cismaan Jimcaale

6- Seynab Maxamuud Xaabsey

7- Mustaf Cali Kheyre

Share.

About Author

Leave A Reply