Ciidamada Puntland oo sameeyay Howlgal Khasaaro geystay

0

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa xalay degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan ku qabtay Gaari laga soo dhacay dhinaca Gobolka Bari.

Kadib iska hor-imaad kooban oo dhexmaray nin hubaysan oo Gaariga soo dhacay iyo Ciidanka Booliiska waxa dhaawac culus soo gaaray ninkii Gaariga dhacay kaas oo isbitaalka loola cararay.

Sidoo kale hal askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa ku dhaawacmay Hawlgalkaas waxaan haatan gacanta lagu hayaa Gaarigii oo Rasaas badan ku taal sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil Booliis.

Dad Goob-joogayaal oo ku sugan Dhaha,r waxay sheegeen in xilliga Hawlgalkaas dhacayay Rasaas xooggan laga maqlay gudaha magaalada.

Wali laamaha amniga ee Maamua Puntland kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay Iska hor-imaadka

Share.

About Author

Leave A Reply