Booliska Soomaaliya oo ka hadlay Weerar lagu qaaday Hotel Afrik ee Muqdisho

0

Wali Waxaa gudaha Hotelka Afrik oo ku yaalla wada aada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,ka soconaya Weerar ay Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ku soo qadeen Hoteelka Afrik.

War qoraal oo kasoo baxay Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa lagu yiri.

“Ciidanka Booliska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa”ayaa lagu yiri war Kasoo baxay booliska Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali laga maqlayo hotelka rasaas, xaaladana wali ay tahay mid kacsan oo ciidamo badan oo Militari Boolis Iyo Nabad Sugid ay joogta gaareen oo xiray wadooyinka gala Hotelka.

Share.

About Author

Leave A Reply