Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa goordhaw gaaray Dhuusamareeb xilli maanta lagu wado in halkaas uu ka furmo kulan looga hadlayo arrimaha doorashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, xilli muranka ku saabsan doorashada Soomaaliya uu marayo heer xasaasi ah.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale waxa Maanta la filayaa in ay gareen Madaxweynayaasha kale dd Dowlad Goboleedyada,iyo sidoo kale Madaxweyne Farmaajo,iyadoona halkaasi uu saacadaha soo socda ka furmi doono shir looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Share.

About Author

Leave A Reply